Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Maanta Dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho(OWN)- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii uu ka soo qayb galay shirkii Oslo Forum ee looga hadlayay xaaladda dhaqaale iyo dib u habaynta maaliyadda Soomaaliya.

 

Mudane; Kheyre oo ay safarkiisa ku wehliyeen masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay Gegida Diyaaradaha ee Muqdisho

 

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale oo hadal kooban saxaafadda ku siiyay gudaha Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay inuu safarkoodu kusoo dhammaaday guul.

 

R/wasaaraha ayaa intii uu Norway ku sugnaa u sheegay Beesha Caalamka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqanba in horumar buuxa laga gaadhay koboca dhaqaalaha Dalka, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay inay mar kale Soomaaliya cagaheeda isku taagto.

 

 

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker