Xafiiska Dawladda Itoobiya ee Somaliland oo Fududeeyey Habka Bixinta Fiisaha ee Dalkaasi Iyo Xidhiidhka Saaxiibtinimo ee 2 Dal oo Sii Xoogeysanaya

Xafiiska dawladda Itoobiya ay ku leedahay Somaliland, ayaa muddooyinkii u dambeeyey wax-ka-bedal ku sameeyey habka bixinta Fiisaha ee dalkaasi, ka dib wada-hadal dhex-maray madaxda dawladaha Somaliland iyo Itoobiya.

Sida ay Wargeyska Waaberi u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Xafiiska Itoobiya ee Somaliland waxa uu fududeeyey habka bixinta Fiisaha oo markii hore dadka shicibka ah ee xaaladaha caafimaad ku tegaya dalkaasi ku qaadan jirtay muddo bil ah, waxaana hada bixinta Fiisaha dalkaasi ay shacabka Somaliland ku helaan muddo hal maalin ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in arrintani ay ka dhalatay ka dib markii wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ay dawladda Itoobiya ka codsatay in shacabka Somaliland loo fududeeyo habka bixinta Fiisaha sida oo kalena looggu soo magacaabo sarkaal dhinaca Socdaalada ah(Immigration Officer), waxaana isla markii ba ay dawladda Itoobiya aqbashay codsigaas iyada oo tix-gelinaysa xidhiidhka saaxiibtinimo ee ay la leedahay Somaliland isla mar ahaantaana waxa ay xafiiskooda u soo magacaabeen Sarkaal sare oo aqoon durugsan u leh Nidaamka Socdaalada.

Waxa kale oo wararku ay intaas ku darayaan in arrinta dekadda Berbera ee Itoobiya qeybta ka tahay ay iyadu na sabab u noqotay in si dhakhso ah loo dedajiyo loona fududeeyo habka bixinta Fiisaha ee dalkaasi.

Arrintan, ayaa noqoneysa mid muujinaysa xidhiidhka sii xoogeysanaaya ee u dhaxeeya dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, waxaana si weyn u soo dhaweeyey shacabka Somaliland ee danaha kala duwan u tegi jiray dalka Itoobiya oo si fudud u hela Fiisaha dalkaasi.

Xigasho Wargeyska Waaberi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker