Masuuliyiin Ka Hadashay Laba Haweena Oo Magaalada Garoowe Dhaawacyo Loogu Gaystay

Laba Hablood oo rayid ah oo reer Sool ah oo dano qoys u tagay magaaladda Garoowe ayaa dhaawacyo kala duwan loogu geystay maamul-goboleedka Puntland, sida uu wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA u xaqiijiyey Guddoomiyaha Gobolka Sool, Cabdi Khayre Dirir.

Guddoomiyaha iyo masuuliyiin kale ayaa maanta dhaawaca hablahaas oo laga soo qaaday Puntland kaga hortagay Bariga degaanka Tuka-raq ee gobolka Sool.

Labadan hablood oo la kala yidhaahdo Canab Cali Xaaji iyo Sahra Axmed Garaad Ismaaciil, waxa dad shacab ahi u geysteen dhaawacyo, waxaana lala dhacay budh iyo toori. mid ka mid ah labadaas hablood ay koomo gashay waxaanay xukuumadda Somaliland u fidisay gurmad caafimaad.

Guddoomiyaha Gobolka Sool ayaa sheegay in hablahaasi lagu dilay sababo la xidhiidha afkaartooda Somalilandnimo, waxaanu si adag u cambaareeyey falkaas oo uu ku sifeeyey mid muujinaya cadaawad qoto-dheer.

“Labadan hablood waxa dhaawacyadan ku yaalla ee aanu ambalaasyada ugu qaadanayno ku dhuftay dad reer Puntland ah oo reer Garoowe ah,waxaana lagu dilay mabda’ooda Somalilandnimo iyo reer Soolnimada, waxaan leeyahay dadkii lagu beer-laxowsan jiray waxyaabaha isirka ah taasi inay been tahay ogaada,”ayuu yidhi Guddoomiye Cabdi Khayr

Guddoomiyaha Sool wuxuu intaas ku daray in Puntland ay been ka sheegtay hablaasi oo ay ku eedayeen basaasnimo, taasi oo ah mid aanay waxba ka jirin.

Mr. Cabdi Khayre waxa uu sheegay in xukuumadda iyo shacabka Somaliland ay xushmaynayaan dhaqanka suuban oo aanay waxyeelo u geysan doonin dadka reer Puntland ee ku sugan Somaliland.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Sool waxa uu sheegay in weerarka hablahaas shacabka ah lagu bartilmaameedsaday uu ku soo beegmay maalin ka dib markii Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ee Puntland uu baaq ujeeddadiisu ahayn waxyeelaynta dadka shacabka ah ee ka taga Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker