Gabadh Soomaali ah oo katirsanayd shaqaalaha BBC-da oo geeriyootay

Weriyaha BBC-da, Hanna Yuusuf oo shaqadeeda muddooyinkii dambe ay ahayd baaritaan la xiriira xaaladda ay ku shaqeyaan shaqaalaha ka shaqeeya bakhaarka shirkadda qaxwada ee Costa ayaa geeriyootay iyadoo 27 jir ah.

Madaxa wararka ee BBC-da Fran Unsworth, ayaa sheegtay in Hanna ay ahayd gabar yar oo weriye oo heybad uu Alle siiyay, hammi badanna laheyd, waxayna intaa racisay in geerideda ay tahay war aad u naxdin badan.

Qoyska Hanna waxaa ay shegeen inay “aad uga naxeen, qalbi jabna ay ku noqotay”, waxayna intaa raaciyeen in wax qabadkeedi uu dadka u noqon doona dhiiragelin.

Hanna waxay la shaqeyn jirtay qeybta wararka lagu qoro bogga wararka ee website-ka, luuqada Ingiriiska iyo telefishenka luuqada Ingilishka oo ay soo saare ka ahayd.

Hanna waxay ku hadli jirtay lix luuqadood oo ay kamid yihiin Soomaali iyo Carabi, waxaana ay horay uga shaqeysay warar la xiriira dhibanayaasha dembiyada culus.

Warbixinadii baaritaanada ee ay sameysay Hanna

Warbixintii ay Hanna ka qortay shirkadda Costa, waxay daaha ka rogtay dacwadaha iyo eedeymaha loo jeedinayo madaxda shirkadda, kuwaas oo diiday inay shaqaalaha siiyaan marka ay jiradaan iyo fasaxa sandlaha.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay inay sameyeen baaritaan madaxbanan, iyagoo ka duulaya eedeymaha loo jeediyay madaxda shirkadda.

Asturnaanta Hanna Yuusuf

Hanna shaqadii ugu horeysay ee ay BBC-da ka bilowda waxay ahayd cilmi baare katirsan barnaamijyada News at Six iyo Ten iyo qeybta qoraalka.

Kahor inta aysan kusoo biirin BBC-d, Hanna waxaa ay la soo shaqeysay wargeyso ay kamid yihiin the Guardian, the Independent, the Times, the Muslim News, the Pool iyo Grazia Magazine.

Sanadkii 2015, ka waxay muuqaal ka sameysay go’aan ay qaadatay oo ahaa inay xirato Xijaabka, iyadoona sheegtay in uusan wax dhib ah ku jabneyn.

Hanna waxay 1992 ku dhalatay Soomaaliya, waxaana ay heshay deeq waxbarasho , si ay shahaadada labaad ee jaamacadda uga sameyso Ingiriiska. Kahor waxaa ay jamaacadda Queen Mary, ee isla dalka UK ka sameysay shahaadada koowaad ee jamacadad.

Qoyska Hanna ayaa war qoraal ah oo ay ka soo saareen dhimashada gabdhooda waxay shegeen in dhimashada Hanna ay argagax ku noqotay.

“Dad badan waxay Hanna ku yaqaaneen shaqadii wanaagsaneyd ee ay kusoo kordhisay saxaafadda iyo shaqadeedi BBC-da”.

Weriyaha BBC-da, Cabdiraxmaa Bidhaan oo ay Hanna ka wada shaqeyeen xarunta BBC-da ee London ayaa ka shakeeyay waxyaabaha uu ku xusuusto.

“Waxaan ku xasuustaa gabadh jecel dhaqankeeda iyadoo haddana qurbaha ku kortay, “ayuu yiri Bidhaan.

Agaasimaha BBC News Fran Unsworth ayaa tiri: “Tani waa akhbaar laga naxo oo dhamaanteen tiiraanyo na gelisay. Hanna Yusuf waxay ahayd saxafiyad dhallinyaro ah oo hibo leh, BBC oo dhanna aad looga jeclaa, waxaana tacsi u diraynaa qoyskeedii iyo asxaabteedii. Waan tebi doonnaa Hanna”.

.
Image captionXafiiska BBC ee London

Sophia Smith Galer oo ka mid ah shaqaalaha BBC ee ay Hanna wada shaqeeyeen ayaa tiri mar kasta waxay ahayd qofka ugu naxariista badan, ugu xariifsan aadna dadka u soo jiita ee qolkan nala jooga”.

“Waxaan weynay saaxib aad u ad-adag, iyo awood dhanka runta u adeegta, iyo iftiin gaarayey meel ka shisheysa mihnadeeda saxaafadda oo ay ku hiranayeen dad badan oo isugu jira kuwo BBC ka shaqeeya iyo kuwo aanka shaqayn” ayey tiri.

Waxaan xaqiijin doonnaa in dhaxalkeeda dhanka jacaylka tebinta sheekooyinka uu noqdo mid aad loo maqlo wakhtiyada soo socda, aad ayaanan u tebi doonnaa”.

Weriyaha arrimaha caalamka u qaabilsan BBC Lyce Doucet ayaa iyadana Twitter ku portay “dhakhsiyo ayaad uga tagtay duni aad ilays weyn ku iftiimisay”.

 

@ BBC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker