Islaamiyiinta Sudan oo Caqabado Wajahaya

Iyadoo mudaaharayada Sudan ee looga soo horjeedo milatariga xukunka dalkaasi xoogga ku qabsaday ay sii socdaan, ayaa kooxaha Islaamiyiinta waxey u muuqdaan inay la halgamayaan inay talo ku yeeshaan hanaanka siyaasadeed ee dalkaasi.

Kooxaha Islamiyiinta Sudan ayaa door muuqda ku lahaa afgambigii 1989kii uu xukunka ku qabsaday Madaxweynihii 30 sandood dalkaasi soo xukumayay ee la riday Cumar Xassan al-Bashiir.

Laakiin xidhiidhka ay Al-bashiir la lahaayeen mudada dheer ayaa ku cusleeyay xisbiyada Islaamiyiinta Sudan inay cod muuqda ku yeeshaan gorgortanka siyaasadeed ee hadda dalkaasi ka socda, waxeyse doonayaan inay qeyb ka noqdaan xukumad rayid ah oo ku meel gaadh ah oo ay Sudan yeelato.

Ka dib ku dhawaad mudahraadyo afar bilood ka socday Sudan oo looga soo horjeeday al-Bashiir, ayey dibad baxayaashu awood u yeesheen inay xukunka ka tuuraan bishii April ee sanadkan.

Kuwii dibadbaxa hormuudka ka ahaa ayaa ku shaanbadeeyay ururada Islaamiyiinta inay la jireen al-Bashiir

Waxaa kaloo ay qabteen Islaamiyiinta dibad baxyo ay ku taageerayeen militariga wadankaasi xoogga ku maamula.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker