Maxaa Ka Jira In Ruushka Uu adeegsanayo Hubkiisa kiimikada?

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegaya in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu ku jiro cidhiidhi adag, uuna sii noqonayo nin aad u cadhaysan oo quus jooga. Sidaaa awgeedna ay suurtogalna ay tahay in uu adeegsado hubka kiimikada iyo kan niyuukleerka ,

Ciidamada Ruushka ayaa weli qabsan la’ magaalada caasimadda Ukraine ee Kyiv wax ka badan 4 todobaad tan iyo intii ay duulaanka ku qaadeen dalkaasi.

Biden ayaa sheegay in sheegashada Ruushka ee ah Ukraine haysato hubka halista ah ay caddeyn u tahay in Ruushka damacsan yahay in uu isagu adeegsado hubkaasi .

“Putin wuxuu sheegayaa xogo marin habaabin ah, isaga oo xitaa odhanaya Maraykanka hub kiimiko ah ayaa Yurub u yaala, taasina waa been ” ayuu yidhi Biden.

Biden waxaa kale oo uu qabaa in Ruushka uu qorsheynayo weerar dhanka Internetka ah , isaga oo shirkadaha uga digay in ay ka digtoonaadaan.

Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa in uu todobaadkan u safro qaaradda Yurub si uu ula kulmo madaxda dalalka xulufada la ah , iyaga oo ka wada hadlaya dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine.

Wasiirka arrimaha dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in xidhiidhka Ruushka iyo Maraykanka uu qarka u saaranyahay in uu burburo gebi ahaanba.

Weerar internet oo lagu qaado Maraykanka iyo dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhalan karto in la cuskado qodobka shanaad ee heshiiska NATO oo dhigaya in si wadar ah la isaga difaaco weerar kasta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker