“Waa ayaandarro in Hargeysa weli biyo la’dahay oo dadkeedu booyado iyo gaadhi dameer ka cabbaan “

“Waa ayaandarro in Hargeysa weli biyo la’dahay oo dadkeedu booyado iyo gaadhi dameer ka cabbaan. Waa hubaal in wakaaladda Biyaha Hargeysa ay fashilantahay; Maarayn xumo iyo curis la’aan maamul ayaa curyaamiyey. Dadka qaarna waxa ay u arkaanba Dukaan (Supermarket) qoys leeyahay.

Nov 13 2022 marka uu WADDANI hoggaanka qabto, waxa uu wakaaladda ku dhiqi doonaa siyaasadda maamul daadejinta, waxa aanu hoosgeyn doonaa dawladda hoose ee caasimadda.

Maanta muwaadin kastaa wuu sawiran karaa quruxda shaqada iyo waxtarka laga filan karo, wakaaladda Biyaha Hargeysa oo uu maayer Cabdikariim Axmed Mooge maamulayo. Sida caasimaddu maamulkii hore uga raysatay ayaa ay wakaaladduna uga nasan doontaa hoggaanka la hallaabay, In Sha Allaah. ”

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Hussein Cabdi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker