Waa Tuma Gabadha Qaybta wayn ka Qaadatay Guusha Joe Bidden iyo Kamala Haris

Waa Tuma Gabadh Qaybta Libaax ka Qaadatay Guusha ay Gaadheen Joe Bidden iyo Kamala Haris.

Iyada oo u dabaal dageysa guusha ay iyada iyo Joe Biden, ka gaadheen doorashada, haweeneydii ugu horeysay ee madaxwaya ku xigeenka ka noqota Mareykanka,

 

islamarkana ka soo jeeda qoys madow iyo Eeshiyaan ah, waxaa haddana jira dad ay u aqoonsanayso in ay gacan ka geysteen ololaheeda guuleystay.

 

Waxay si gaar ah farta ugu fiiqaysaa dumarka ka soo jeeda bulshooyiinka laga tirada badan yahay.

 

Sanatar Harris ayaa qirtay in haweenka ka soo jeeda dadka laga tirada badan yahay ee si joogta ah loo “gacan-bidxeeyo, balse waxay muujiyeen inay laf-dhabar u yihiin dumuqraadiyadeena”.

 

Dhammaan qoyska Hunt way wada ilmeeyeen markii gurigooda oo ku yaalla magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, ku daawanayeen Khudbaddii ay jeedisay Harris.

 

“Georgia waa buluug imika, taas oo gobolka iyo shacabka u ah isbadal, gaar ahaan dadka madowga ah ee ku dhaqan,” ayay tidhi, Kristin Hunt oo 27 sano jir ah.

 

“Waxaa arrintan sabab u ah Stacey Abrams iyo haween badan oo kale oo madow ah, kuwaasi oo is abaabulay, waxayna sameeyeen ururo doorashada u diiwaangaliya una muujiya in codkoodu uu micno sameynayo.”

 

Waddada uu Aqalka Cad u marayo Joe Biden, waxaa muhiim u ahaa in uu helo taageerada dadka madowga ah ee Mareykanka.

 

Codbixiyayaasha Madowga ah ayaa keenay guushii doorashadii is-reereebkii ee xisbiga Dimuqraadiga, taasi oo u saamaxday in uu helo taageerada xisbiga sidaasina uu jagada madaxwaynanimada ugu tartamo.

 

Biden wuxuu si wayn taageero uga helay dadka madowga ah oo codadkooda siiyay.

 

Waxaa uu codad badan ka helay gobolka Pennsylvania – wuxuu sidoo kale taageero xooggan ka helay dadka madowga ah ee ku nool magaaloyiinka Philadelphia iyo Pittsburgh.

 

Qiyaastii 10 qof oo madow ah, 9 ka mid ah waxay u cadeeyeen xisbiga Dimuqraadiga, sida lagu sheegay ra’yi uruurin la sameeyay,

 

Inkastoo Trump qudhiisa uu qeybtiisa ka helay codadka dadka madowga ah taasi oo ka badnayd intii uu ka helay 2016-kii.

 

Balse marka dadka ku nool magaalooyiinkan aad weydiiso cidda Biden ka caawisay in uu doorashada ku guuleysto, waxay abaalka siinayaan haweenka madowga ah.

 

Haweenka sida Kruzshander Scott, oo ahayd qofka qabanqaabiyay in dadka magaalooyiinka Jacksonville iyo Florida ay codeeyaan,

 

Ayaa BBC u sheegtay in loo jeediyay hanjabaad iyo in toddobaadyadii ugu dambeeyay ee doorashada la siiyay ilaalo dheeraad ah, iyada oo ka shaqeynaysay in codbixiyayaasha bulshada aan caddaanka ahayn ay doorashada u soo baxaan.

 

Brittany Smalls, oo ah haweeney abaabulaysay codbixiyayaasha Philadelphia, ayaa sheegtay in nafteeda ay u hurtay in ay barto ayna xoojiso codbixiyayaasha deegaankeeda iyadoo og in codkooda uu isbadal keeni karo.

Dhanka gobolka Georgia, waxaa aad loo amaanay Stacey Abrams oo noqtay qof ka dhex muuqday xisbiga Dimuqraadiga.

 

Linda Grant, oo korjooge u ahayd xisbigeeda, xilligii doorashadan, ayaa sheegtay in Ms Abrams mahgaceeda uu noqday midkii muuqday, waxaana lagu tilmaamay qofkii ficilka sameeyay in ay tahay taasi oo ah “in shaqada la qabto.”

 

Balse Dimuqraadiyiinta gobolka Georgia ayaa rajeynayay in mar ay ugu yeeraan Ms Abrams jago kale, sida Barasaab.

 

Sannadkii 2018, waxay dhigtay taariikh ka dib markii ay noqtay haweeneydii ugu horreysay ee madow ah oo u tartanta xilka barasaab ee gobolkaas ee Mareykanka.

 

Waxaa xilligaas xilka Barasaabka Georgia kula tartamayay Brian Kemp oo ka socday xisbiga Jamhuriga.

 

Muddadii 6 sano ahayd ee uu xilka hayay, Mr Kemp wuxuu waxba kama jiraan ka soo qaaday oo uu meesha ka saaray inkabadan 1 milyan oo ah codbixiyayaashii ka diiwaangashanaa gobolka Georgia, ka dib markii uu sheegay in khaladaad ay ku jiraan.

Stacey Abrams, ayaa cabasho ka muujisay arrintaas, waxayna u arkeysay in ay tahay gacan-bidxeyn.

Stacey ka dib markii ay ku guuleysan wayday doorashadii, waxay bilawday in ay u ololeyso in dadka gobolka ay is diiwaangaliyaan si ay codkooda u dhiibtaan.

 

Ka hor doorashadii 2020, Stacey Abrams, iyo ururo kale oo isku xiran, waxay gobolka Georgia oo keli ah ay ka diiwaangaliyeen inkabadan 800,000 oo codbixiyayaal ah.

 

Inkastoo dib loo tirin doono codadka, hadana waxaa Stacey Abrams iyo dadka kale ee is xilqaamay lagu ammaanay in xisbiga Dimuqraadiga ay gacan ka siiyeen in uu hoggaamiyo codadka tartanka madaxwaynanimada ee gobolka Georgia, markii ugu horreysay muddo 20 sano ah.

 

Haddii taageerayaasha Dimuqraadiga ee gobolka Georgia ay Biden gacan ka siiyeen guusha uu doorashada ka gaaray, taasi waxay micnaheedu tahay in Stacey iyo dadkii kale ee is xilqaamay ay deen mahadnaq ah ku leeyihiin.

 

Stacey waxay gacan wayn ka geysatay abaabulka dadka gobolka si ay u xaqiijiso in Biden uu guuleysto.

 

Kristin eedadeed oo lagu magacaabo Teresa Wilson, ayaa sheegeya in dadaalka Ms Abrams uu wax badan ka badali doono fikirka iyo sida ay u arkaan awoodooda dadka madowga ah ee ku nool gobolka.

 

“Inta ay dibadda aado oo ay boorar dhajiso ayna xaqiijiso in dhammaan dadkan la diiwaangaliyo, ayaa isbadal ku keenay gobolka Georgia iyo guud ahaan qaranka,” ayay tidhi

 

 

“Waxaan u maleynayaa in nala dhayalsado doorasho kasta, balse imika Mareykanka iyo guud ahaan caalamka ayaa noo arka in codkeena uu micno ku fadhiyo.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker