Wasiir Faratoon oo ka Hadlay Mashaariic Laga Hirgelinayo Gobolka Sool

Laascaanood (OWN)-  Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka war-bixiyay ujeedad socdaal wefti ballaadhan oo xukuumadda iyo hay’addo caalami ahi ay ku tageen xarunta gobolka Sool ee Laascaanood iyo waxyaabaha u qorshayn ee ay ka hir gelinayaan.

 

Wasiir Faratoon waxa kale oo uu ka hadly meelaha ay socdaalkoodan ku soo mareen iyo noocyada mashaariicda laga hir gelinayo gobolka Sool iyo xaaladda nabad gelyo ee deegaanka.

Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon),   isaga oo ku sugan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa sheegay in xaaladda nabad gelyo ee gobolka Sool ay aad u wanaagsan tahay, wakhtigan, waxaanu yidhi “Gobolka Sool, nabad gelyadiisu aad ayay u wanaagsan tahay maanta gobolku wuxuu u socdaa dhankii horumarka, dawladduna kaalinteeda ayay ka qaadanaysaa. nabad gelyo marka ay jirto ayuu horumar imanayaa ama laga shaqayn karayaa. markaa dadka gobolka Sool iyo maamulka gobolkuba aad ayay uga wada shaqeeyeen nabad gelyada, hadday Laascaanood tahay iyo hadday deegaamada degmooyinka kale ee gobolka tahay ba.”

 

Wasiir Yasiin waxa uu intaasi raaciyay “Nabad gelyadu waa ta suuro-gelisay in wefti ballaadhan oo aanu wada soconno oo ka socda Hay’addo badan oo caalamiya, in ay halkan marayaan. waxaanan u wada soconaa sidii gobolka looga hir gelin lahaa mashaariic badan oo arrimaha bulshada ah, isla markaana kor loogu qaadayo waxbarashada, caafimaadka, daryeelka agoomaha iyo dadkii xooluhu ka bexeen ee caydhoobay oo deegaanada ay ku sugan yihiin waxyaabo badan laga qabanayo.”

 

Wasiirka oo ka hadlayay wefdiga uu hoggaaminayo cidda ay ka kala socdaan, ayaa yidhi “Dhanka xukuumadda waxaanu ku wada soconnaa aniga (wasiirka waxbarashada iyo Sayniska) iyo wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Aadan. dhanka Hay’addaha waxaanu wada soconaa “SCF, UNICEF, CARE, Hay’ad Kuwait ka socota iyo hay’ad daryeelka agoomaha ah iyo kuwo kale.

 

Hay’adahan dhammaantood waxay u socdaan in ay mashaariic badan gobolka ka hir geliyaan. waxaana qorshaha ku jirta in dadkii xoolohu ka bexeen ee abaartii ku caydhoobay ee baro kacay, deegaanada ay ku sugan yihiin in ay waxbarasho ku helaan ubadkoodu. Sidoo kale, waxaa na waheliya, hay’ad ka socota Kuwait oo ka shaqaysa carruurta agoomaha ah waxbarashadooda iyo kor u qaadista xifradooda iyo beeraha iyo hay’ad kale oo iyaduna arrimaha agoomaha daryeelkooda iyo xannaanayntooda ku hawlan. dhammaantoodna waxay u socdaan in ay gobolka ka shaqeeyaan oo arrimaha ay qabtaan ay gobolka ka hir geliyaan.”

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay “Hay’adda Kuwait waxay doonaysaa in dhul la siiyo oo ay dhisto oo ay wax ugu qabato agoomaha, waxna ku barto oo ay kaga qayb qaadato caafimaadkooda, waxbarashadooda iyo ku tababarista beeraha, taas oo wax weyn ka taraysa kor u qaadista aqoonta agoomaha ah.

 

Hay’adda kale ee daryeelka agoomuhuna waxay u socotaa, sidii ay ugu kuur geli lahayd baahiyaha ka jira xarumaha agoomaha lagu xannaaneeyo iyo sidii ay wax uga qaban lahayd.”

Wasiirka oo ka hadlayay dhanka waxbarashada oo uu tilmaamay in mashruuc aad u waxtar badan laga hir gelinayo gobolka Sool, ayaa yidhi. “Waxa kale oo qorshaha ku jira, in daraasad lagu sameeyo degaamada ay dadkii abaaraha ku caydhoobay ku baro kaceen ee aanay carruurtoodu haysan waxbarashada aasaasiga ah oo laga bilaabayo waxbarasho oo deegaanada ay ku sugan yihiin laga hir geliyo. Daraasadaasna waa la samaynayaa oo deegaamo badan oo dadkii xooluhu ka bexeen ay ku nool yihiin ayaanu soo marnay. markaa qorshuhu wuxuu yahay in mashaariicdaas iyo kuwo kale oo badan ba gobolka laga hir geliyo. waxaanan rejaynaa in ay gobolka wax badan ku soo kordhin doonaan oo nolosha dadka ay wax badan ka bedeli doonaan.”

 

Ugu dambayn wasiirka oo ka hadlayay sida ay xukuumadda uga go’antahay in gobolka Sool mashaariic kale laga hir geliyo ayaa yidhi. “muddadii ay xukuumadda madaxweyne Muuse Biici Cabdi, talada haysay, waddooyinka gobolka Sool dib u dhis ayaa lagu sameeyay oo meelo badan ayaa laga dayactiray. waxbarashada, caafimaadka iyo biyahaba wax baa laga qabtay.”

 

“Xukuumadda waxaa ka go’an dhammaan mashaariicda dalka ka socda oo dhan in laga fuliyo guud ahaan deegaamada gobolka Sool, waana hoggaaminta madaxweyne Muuse Biixi uu qaranka ku hagayo. haddii uu gobolka Sool in badan dalka intiisa kale ka hadhay oo uu hore u hagaasay, imika wax baa loo qabanayaa. xukuumadda madaxweyne Muuse ayaana hir gelinaysa,” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo waraysi kooban khadka taleefanka ku siiyay wargeysa Dawan, isagoo ku sugan magaaladda Laascaanood.

 

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland

Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker