Ururka Talibanka Oo Qaadacay Kulan Ay La-yeelan Lahaayeen Maraykanka

Ururka Talibanka ee ka dagaalama dalka Afghanistan ayaa saacadihii ugu danbeeyey sheegay inay baajiyeen kulan ay maanta la yeelan lahaayeen wakiilada ka socda dowlada Maraykanka. Kulankan oo ka dhici lahaa magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa baaqday kadib markii Kooxda Talibanka diiday inay shirkaasi kasoo qeyb galaan xubno ka socda dowlada Afghanistan.

Talibanka ayaa dhawaan sheegay inay ogolaadeen wadahadal toos ah oo dhexmara iyaga iyo Maraykanka, balse sheegay xiligan inaysan gorgortan la geli doonin xukuumada Caalamka Aqoonsan yahay ee Afghanistan.

Maraykanka ayaa ku guuleysan waayey 17kii sano ee lasoo dhaafay inuu soo afjaro dagaalka uu kula jiro kooxda Talibanka oo dalka Afghanistaan ka talinayey xiligii ay dhaceen weeraradii 2001 ee lagu qaaday New York & Washington, inkastoo Talibanka maamulkoodii la burburiyey ayey hadana kooxdaasi weli ka talisaa inta badan gobalada wadankaasi oo ay weli dagaalo ka socdaan.

Dowlada Maraykanka ayaa dooneysa inay ciidamadeeda kala baxdo wadanka Afghanistan, arrintaasi oo laga cabsi qabo inay keento burburka dowlada Afghanistan.

Xukuumada Maraykanka ee hada joogta iyo tii ka horeysay ee Barack Obama ayaa marar badan isku dayey in wadahadalo toos ah lala galo Talibanka lagu xaliyo dagaalka ka socda Afghanistaan, wadahadaladaasi ayaan iyaguna weli lagu guuleysan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker