Iiraan oo Gacanta ku Dhigtay Shabakad Xidhiidh La Leh Sirdoonka isra’iil ee Mosad

Iran ayaa sheegtay in sirdoonkeeda ay burburiyeen shabakad xiriir la leh sirdoonka Israel ee (Mossad), taasoo qorsheynaysay inay ka howlgalaan gudaha Iran.

Warbixinta TV-ga Iran ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Iran ay xireen dhammaan xubnaha kooxda, ayna la wareegeen hub badan, walxaha qarxa, qalab tikniko ah iyo qalab isgaarsiineed oo ay kooxdaasi ku lahayd howlgallada ka socda dalka Iran.

Telefishinku waxa uu sheegay in kooxdu ay qorsheysay falal kharibaad ah iyo “howlgal argagixiso oo aan hore loo arag” oo ay ka fuliyeen meelo badan oo “xasaasi ah” – taas oo laga yaabo inay tixraacdo xarumaha ciidamada iyo kuwa ammaanka. Warbixintu ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Sida laga soo xigtay talefishinka qaranka Iran, xubnaha kooxdan ayaa Iran ka soo galay deegaan ay ku nool yihiin Kurdiyiinta oo ka tirsan dal ay jaarka yihiin, taasoo aan warbixintu si cad u sheegin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker