Dablay hubaysan oo ugu yaraan 20 qof ku dishay dalka Burundi

Dabley hubeysan ayaa ugu yaraan 20 qof ku dilay sagaal kalena way ku dhaawacmeen meel u dhow xuduudka galbeed ee Burundi uu la wadaago Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida ay dawladdu u sheegtay warfidiyeenka Sabtidii, weerarkaas oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay jabhadda Red Tabara.

Dadka lagu dilay weerarkii fiidnimadii jimcaha ee tuulo lagu magacaabo Vugizo ayaa waxaa ku jiray 12 caruur ah, labo dumar ah oo uur leh iyo sarkaal booliis ah, afhayeenka dowlada Jérôme Niyonzima ayaa sheegay.

Red Tabara oo tan iyo sannadkii 2015-kii duulaanno kagasoo qaadaysay dawladda Burundi saldhigyo ku yaalla bariga Congo ayaa barteeda bulshada ee X ku sheegtay inay dishay sagaal askari ciidan ah iyo hal booliis ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker