Siyaasi Maareeye oo Raiisul wasaare Roble uga digay inaa Faraha lagalin Xulist Xildhibaanada Somaliland

 Muqdisho (OWN) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa qoraal uu soo saaray ugu digay ra’iisul wasaare Rooble, una sheegay in xukuumaddiisa ay faraha kala baxdo Arimaha xildhibaanada Matali doona Somaliland.

Mr Maareeye ayaa marka hore qoraalka ku shaaciyey in shalay kulan lagaga tashanayey arrimaha doorashada kuraasta Xildhibaanada Matalidoona Somaliland.ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta reer Somaliland ahi.

 

 

“Waxaanuu yidhi Galabta Shalay, waxaan ka qaybgalay kulan Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi kula tashanayey Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiin hore,

 

Iyo Daneeyayaal siyaasadeed oo cusub iyo qaar ka mid ah madax-dhaqameedka ka soojeeda Somaliland, tashigaas oo la xidhiidhay xulista Gudiyada Doorashooyinka ee Somaliland,” ayuu yidhi Maareeye.

 

 

Qoraalka Wasiir Maareeye ayaa intaas ku daray isla.markaana Xusay Qaarka Mida Ka Qaybgalayaashii Mudadii kulanku socday qaar ka mid ah dadkii wadatashiga joogay .

 

Waxaanuu sheegay in ay arkeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Xoghaymo ka socda Xafiisyada Madaxda Qaranka oo ka Isla Markaana Watay  liis  ay ku Sheegeen inay Qorayaan  Gudiyadii doorashooyinka Somaliland.”

 

 

“Shirku wuxuu ka codsaday Ra’iisul Wasaare Rooble in aanay xukuumadiisu u maleyn in doorashada Somaliland tahay kooto baylah ah oo ay iyadu maamusho,

 

Waa in ay isu aragtaa Xukuumadii Qaranka oo doorashada Somaliland u jirta in ay u jiraan tan Maamul-Goboleedyada kale ee ay ka sugayso in ay soo gudbiyaan xubnahooda,” ayuu Maareeye ku yiri war-saxaafadeedkan.

 

 

Waxa uu sheegay intii shirku socday in la isla gartay, maadaama la qaatay habraacii doorashooyinka ee 2016-kii ee guddoomiye Jawaari u xilsaarnaa in uu magacaabo gudiyada doorashooyinka ee kuraasta  Somaliland.

 

In hadda loo baahanyahay qof qaata mid lamid ah doorkii guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

 

 

“Maanta waxaa shaqadaas iska leh Gudoomiye Cabdi Xaashi oo booskiisii ku jira, ugu sareeya, uguna da’weyn Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ka soojeeda Somaliland.”

 

 

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey, “Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa dadkii dejiyey oo u sheegay in ay taladooda xor u noqon doonaan oo uu u-tegi doono Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha,

 

Liis aanay ka tashan oo isagu gudbiyey mooyee, mid kalena aanu socon doonin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker