Baadari Ka horyimi Xakamaynta Covid 19 oo Lagu Xidhay dalka Ruushka

Booliska dalka Ruushka ayaa xidhay baadari gacanta ku hayey hoy dumarka u gaar ah oo ay kaniisadinleedahay .

Oo la sheegay inuu ku dhaqaaqay fal ka horimanayo faafitaanka faayraska Covid-19 iyo talooyinka caafimaadka ee ku aaddan oo ay bixiyaan khubarada caafimaadka.

Baadarigana waxaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin dadka badan inuu ku dhiirrgelinayey iney isdilaan.

Booliska waxay sheegeen baadariga iney ku soo qabteen baadhitaan si kedis ay ugu sameeyeen hoyga dumarka uu isagu mas’uulka ka ahaa.

Baadarigan hore oo doorki baadarinimo laga qaaday ayaa bishii June la wareegay gacan ku haynta kaniisadda Sredneuralsk, kaddib markii kaniisadda Orthodox ay baadariga xilka ka xayuubisay loona diiday inuu kaniisadaha uu ka wacdiyo, dhaqdhaqaaq diineedna uu sameeyo.

Wuxuuna baadarigu si cad  u diiday inuu jiro fayraska korona xilli dalka Ruushka uu si ballaadhan uu uga socdo tallaalka looga hortagayo Covid-19 uu Ruushku sameeyey.

Baadarigan aragtidiisa kaniisadda iyo dowladdaba muranka ka dhex dhalisay waxaa xilka baadarinimo lagala noqday bishii May.

Kaddibna waxaa laga mamnoocay xidhashada macatabka baadarinimada maadaamaa uu dadka caadiga ah ee caafimaadka qabo uu ku dhiirrageliyey iney diidaan awaamiirta caafimaad ee la xidhiidha Covid-19 maadaamaa uu aaminsan yahay inaanu cudurkaasi uu jirin.

  • Baadari Sergiy kaniisadda Sredneuralsk wuxuu aasaasay billowgi sanadkii 2000, wuxuuna baadarigu yeeshay boqollaal qof oo taageerayaal ah oo wacdiga uu kaniisaddiisa ka jeediyo dhageysta.

 

Hay’adaha ammaanka Ruushka kaniisadda Sergiy si aan loogu cibaadeysan waxay xidheen intii u dhaxeysay bilihii April-June ee sanadkaasi, iyaga oo ku eedeeyey maadaamaa uu baadarigu uu wadashaqeyn la yeelan waayey hay’adaha dowliga ah.

Howlgalka kaniisadda lagu qaaday maxaa ka dhashay?

 

Baadari Sergiy ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii isku dhac saacado socday uu dhex martay booliska iyo taageerayaasha baadariga.

Ragga hubeysan ee kaniisadda ilaalada ka ah ayey hay’adaha dolwiga Ruushka la xidhiidhyeen iney ka mid yihiin kooxda fallaagada uu Ruushka taageero ee ka qayb qaatay  dagaalkii Ukraine ka socday.

Isku dhaca booliska iyo shaabka kaniisadda ku sugnaa dhex maray wuxuu dhaawacyo fudud uu ka soo gaadhay dhowr qof oo ay ka mid yihiin haweenka kaniisadda ka howlgalayey.

Howlgalka marka uu soo gagaboobayna taageerayaashiisa ayaa baahiyey muuqaal muujinaya baadariga inuu caafimaad qabo . “Isaga oo sheegay askarti xadgudubka u geysatay iney waxba ogeyn balse uu cafiyey”.

 

Warbaahinta dowladda Ruushka oo laga baahiyey xadhigga baadariga ayaa lagu sheegay in baadariga loo haysto dacwado ay ka mid yihiin inuu haween ka badan 10 uu ku dhiirrageliyey iney isdilaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker