Golaha Amaanka oo maanta kulan ka yeelanaya arrinta Soomaaliya

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu maanta kulan ka yeesho xasaradda siyaasadeed ee Soomaaliya, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka AFP oo soo xigatay ilo wareedyo diblomaasiyadeed.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ay ku dhawaaqeen “in madaxweynaha uu si sharci darro ah xilka ku hayo”.

Shir ay albaabbada u xiran yihiin oo ay Golaha Amaanka maanta ka yeelanayaan arrinta Soomaaliya waxaa codsaday dowladda Britain oo bishan hoggaamineysa Golaha, sida ay ilo wareedyadu sheegeen.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Isniintii wajahay xasarad dhinaca hoggaanka ah kaddib markii uu ka dhammaaday waqtigii xilka loogu talo galay.

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa sheegay in aysan dowladda aqoonsaneyn wixii ka dambeeyay 8-da bisha February.

Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, oo shir jaraa;id qabtay ayaa yidhi: “Wali waxaa jirta fursad ay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya isugu imaan karaan wadahadal, si ay u helaan xal ku aaddan khilaafka taagan iyo sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen.”

Dhowr shir oo ay madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada isugu imaadeen ayaa ku dhammaaday iyagoo aan xal rasmi ah laga gaadhin arrimaha doorashada, inkastoo shir ay dhinacyada yeesheen bishii September ku heshiiyeen in la qabto doorasho dadban.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker