Madaxdii Ururka Suxufiyiinta Wadanka Ethiopia oo Xilalkii Laga Qaaday.

Addis-ababa-(OWN)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in shaqadii laga caydhiyay mas’uuliyiintii ugu saraysay ururka suxufiyiinta Itoobiya, kuwaas oo sida lasheegay lagu soo oogi doono dacwad.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa shaqadii laga caydhiyay gudoomiyihii ururka suxufiyiinta Itoobiya iyo kuxigeenkiisii kuwaas oo mudo 8 sano ah kumagacownaa xilka shalay laga eryay.

Warka ayaa intaas kudaraya in xilalkaas labaneeyay loomagacaabay labo qof oo kale kuwaas oo sida lafilayo wax badan kabadali doona warbaahinta iyo wariye yaasha Itoobiya, kuwaas oo magac ahaan uun ujira.

Inkasta oo aanay xukuumadu cadaynin sababta ay mas’uuliyiinta ururka xilalkoodii ugaqaaday hadana waxaa  lala Wada Socdaa in ay xukuumada cusubi baryahan waday xilka qaadis iyo xil magacaabis, iyadoo sida muuqata meesha kasaaraysa xukuumaddii hore ee wadanka  iyo dadkii lashaqayn jiray.

Ururka suxufiyiinta Itoobiya ayaa ahaa mid  magac uyaal ah mana jirin saxaafad iyo suxufiyiin xor ah oo xaqiiqada qora ama kahadla, mana jirin howl ay dadwaynaha uhayeen shakhsiyaadkan lacaydhiyay oo mudo dheer xilkan kumagacownaa sida ay qabaan Wariyayaasha Dalkaasi.

Image result for national journalism organization iN ethiopia

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker