Wasiirka Gaashaandhigga SL oo Ciidammada Puntland Iska Hortaageen Magaalada Badhan

Ceerigaabo(OWN) Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Xawar oo subaxnimadii maanta (Axad) Magaalada Ceerigaabo uga ambabaxay dhinaca magaalada Badhan ee Sanaag-bari ayaa sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal degaankaas kusugani waxa magaalada Hadaaftimo oo qiyaastii 30-km jahada galbeed kaxigta magaalada Badhan waxa wasiirka ku horjoogsadey ciidammada Puntland ee fadhigoodu yahay magaalada Badhan.

 

Waxana ciidammadaasi wasiirkan iyo mas’uuliyiin weheliyey u diideen inay hore u gaadhaan magaalada Badhan ee uu socdaalkiisu ku waajahnaa, waxana qasab ku noqotay wasiirka iyo mas’uuliyiintii weheliyeyba inay dib ugusoo laabteen magaalada Ceerigaabo,

Inkastoo lasheegay in Wasiir-Xawar uu goobtaas kaga hanjabey inuu doonanayo ciidammo kunasoo laaban doono degaankaas.

 

Waxayna wararku intaas kusii darayaan in afhayeenka madaxtooyada Puntland bixiyey amarka ciidammada Puntland wasiirkan kaga hor joogsadeen magaalada Badhan oo degaan ahaanna uu kasoo jeedo.

 

Dhinaca kalena Wasiirka Gaashaandhigga SL oo warbaahinta qaarkeed laxidhiidheen ayaa beeniyey arrintaas.

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker