Ciidanka Booliska oo ka Hadlay Gaadhi Dawlada Hoose ee Hargeysi leedahay oo jiidhay Gabadh Umul ah

Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu bulshada u caddaynayaa inuu gacanta ku hayo eedaysane Axmed Ibraahim Muxumed 40jir ah oo
saaka ku jiidhay degmada Gacmo-dheere ee Magaalada Hargaysa Hooyo umul ah , Eedaysanaha ayaa kamid ahaa darawallada gaaddiidka ee Dawladda Hoose Hargaysa.
Ciidamada Boolisku waxay markiiba ka hawlgaleen oo ay gacanta kusoo dhigay Edeysaneaha iyo gaadhiigaba waxaanay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska. waxaanan sida ugu dhakhsaha badan loo horgayn doonaa sharciga
Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu murugada la qaybsanayaa ehelkii marxuumadaasi ka geeriyootay , waxaanan alle uga baryaynaa inuu naxarisitii janno haka waraabiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker