Shil Gaadhi Oo Xalay Ka Dhacay Duleedka Magaaalada Boosaaso

Shil gaari oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay wadada isku xirta Magaalada Boosaaso iyo Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

 

Shilkaan ayaa waxaa uu yimid kadib markii gaari ay la socdeen dad shacab ah uu ku rogmaday Wadadaas, xili ay socdaal ku marayeen, waxaana gaariga uu ku rogmaday god weyn oo ay ku dhex jireen biyo badan oo dhex yaallay wadada isku xirta Boosaaso iyo Gaalkacyo.

 

Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday shilka, halka 4 kalena waxaa ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo la socday  gaariga, waxaana dadka dhaawacmay loo soo qaaday dhanka Boosaaso.

 

Taliska Booliska qaybta Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in wadada isku xirta Magaalada Boosaaso iyo Gaalkacyo ay Go’an tahaya, isla markaana ay xireen biyo badan ah roobabkii ka da’ay deegaano ka tirsan halkaas.

 

Sidoo kale G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in wadadaas ay xiran tahay, isla markaana waxaa uu amar ku bixiyay in la hakiyo isu socodka gaadiidka ee isticmaala wadadaas, wuxuuna tilmaamay in uusan gaadiid soo mari Karin ilaa iyo amar dambe.

 

 

Deegaano ka tirsan Puntland ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay roobab xoogan, kuwaasi oo ay qaarkood ay wateen dabeylo, waxaana biyo badan ay dhigeen wadooyinka muhiimka ah eek u yaalla halkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker