” 8 February ka hor waa in laga heshiiyaa arrimaha doorashada …” Sheekh Shariif

Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Ahmed ahna Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ayaa ku baaqay in ka hor 8-da February laga heshiiyo arrimaha doorashooyinka.

Sheekh Shariif oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho kadib safar dibada ah oo uu ka soo laabtay ayaa sheegay in xiligaan ay ahayd in dalka ay ka socdaan howlaha doorashooyinka, hayeeshee aysan dhicin arrintaas, isagoo ku tilmaamay nasiib darro dhacday.

Sheekh Shariif wuxuu ku baaqay in heshiis laga gaaro caqabadaha ku hor gudban doorashada, isla markaana wax kasta oo jira lagu dhammeeyo qaab wadahadal.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya wuxuu tilmaamay in meel adag uu marayo ammaanka dalka, maadaama Al-shabaab ay culeys saameeyay shacabka ku hayaan amniga dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker