Xaflad Lagu Soo dhaweeyey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee Sheffield.

Waxaa habeenkii xalay ee bishan October ahayd 26/10/18 lagu qabtay Magaalada Sheffield xaflada aan nooceed hore loo arag oo ay jaliyada Somaliland ee Magaaladan Sheffield ay si diiran oo qalbi furan  iyo rajo wanaag ah ay u soo dhaweeyeen Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro iyo wefdigii uu hogaaminayay oo ay ka mid ahaayeen.

 

Xoghayaha technologyad Xasan Khaliif, Xildhibaano,dheeg, Boqor Axmed Iimaan Warsame, xildhibaan Cabdiraxmaan aw Xoog, Mohamed Cabdi Halac xubin golaha dhex ah , Cali Cawaale xubin golaha dhex xisbiga waddani. Gudoomiyaha Waddani UK Maxamed Cali,iyo Xildhibaan Maxamed Salah oo isagu  mudooyinkan dambe ku sugnaa Magaladan Sheffield.
Dhamaan xubnahaasi oo hadalka iskaga dambeeyay waxay si guud uga hadaleen xaalada dakeenu maanta marayo iyo mooganaanta xukuumada kulmiye.
Waxaa kaloo ay ku canaanteen xukuumada hadalkii uu dhawaan warbaahinta siiyay madaxweyne Muuse Biixi  oo ay ku tilmaameen kal sooni daro ka  haysat madaxweyne nimadiisa.
Xildhaan maxamuud Maxamed dheeg oo ka hadalay madaxtooyada iyo labada gole ee guurtida iyo baarlamaanka ayaa sheegay inay garan waayeen ujeedada loo rarayo maadaama labada gole dhismahoodu uu cusub yahay waxaan u argnaa dhaqaale burburin iyo ku tagri falka hantida qaranka.
Ugu dambeyntii waxaa hadalkii qaatay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Ciro waxaanu sheegay
Sida xukuumada kulmiye ay ugu tumatay  xuquuqdii muwaadiniinta Somaliland sharcigiin u noqday mid lagu xad gudbo Isla markaasna golihii garsoorku uu noqday mid xukuumada u adeega .Gudoomiyuhu wuxuu xusay abwaano,suxufiyiin,siyaasiyiin,iyo dad shacab ah oo muddadii uu xukunka hayay Muuse Biixi xabsiga ku jira maxkamadan aanaa la hor keeninqaarkood halka  qayb kalena xaakinkii maxkamadu uu diiday in kiiskooda loo gudbiyo  qareenkooda.
Waxaa kaloo uu gudoomiyuhu sheegay ,
In madaxweyne laga sugayo isu soo dhaweynta shacabka ,joojinta colaadaha dalka ku soo kordhay ee u dhexeeya beelaha walaalaha ah.
Waxaanu baaq nabadeed u diray gudoomiyuhu beelaha gobolka sool inay colaada nabada iyo wada noolaansho ku bedelaan waxaanu balan qaaday inuu ka hawl gelayo sidii aanay dagaal dambe oo beeleed aanu u dhici lahayn inshallah.
Gaba gabadii waxaa xafladaasi lagu soo afmeeray in si wada jir ah looga hor tago colaadaha shacabka walaalaha ee Somalilanad xoojinta nabada iyo taageerada Xisbiga Rajada Somaliland ee waddani.
Waxaan abaalmarin la gudoonsiiyay Marwo Amuun  Axmed Gadhle oo ku mutaystay hawl karnimo,daacadanimo iyo shaqo wanaaga xisbiga waddani ee Laanta sheffield.
Magaalada Sheffield oo ah horyaalka laamaha Waddani UK.  Top Ten  Number One.
Mataan M Omar
Xoghayaha warbaahinta Waddani UK Sheffield.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker