Madaxwayne Muuse Biixi Oo Hambalyo U Dirtay Dawlada Iyo Shacabka Jabuuti

Madaxweynaha Somaliland Waxa Uu Shacabka Iyo Dawladda DJabuuti Ku Hambalyeeyey 43-guurada kasoo Wareegtay Maalintii ay Gobonnimada Qaateen.

 

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray dawladda Jamhuuriyada Jabuuti oo ay ku beegan tahay Xuska sannad guurada 43-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii.

 

 

Waxaa uu Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi shacabweynaha iyo Dawladda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ay u dabaaldegayaan, innagoo ah laba dal oo jaar ah oo aad isugu dhaw haddana labadeennii maalmood ee xorriyadduna isku xigaan, waxa uu u rajaynayaa inay ku gaadhaan sannadkaa sannadkiisa horumar, bash-bash iyo barwaaqo.

 

 

“Madaxweynuhu waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawladda Jabuuti xornimada iyo horumarka 43-tan jirsaday ee ay u dabaal-degayaan, waxanu u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker