Jarmalka Oo Fal Argagixiso Ah Ku Tilmaamay Dilkii George Floyd

Dowlada Jarmalka ayaa sheegtay in ay la yaab ku noqotay geerida George Floyd, oo ahaa nin madow oo Mareykan ah oo aan hubeysneyn oo ku geeriyooday gacanta booliiska,

Waxana ay wacad ku martay inay ka shaqaynayso sidii loola dagaalami lahaa cunsuriyad kasta oo ka aloosmi karta gudaha dalkeeda, afhayeen u hadlay dowlada ayaa sheegay sidan maanta oo Arbaca ah.

 

 

“Geerida George Floyd … waxay ka yaabisay dadka Jarmalka iyo adduunka oo dhan, waxay sidoo kale aad uga yaabisay dhacdo argagax lehna ku noqotay dowladda federaalka [Jarmalka],” ayuu yidhi af hayeenka Steffen Seibert.

 

 

“Waa wax laga naxo oo laga fogaado, waxana aan wacad ku maraynaa in aan la dagaalano nooc kasta oo takoor iyo cunsuriyad ah oo Jarmalka cusub ka dhex bilaabata, dunida iyo dalalka aan jaarka nahayna waxaan ka waaniyaynaa in ay dhexdooda cunsuriyadu qiil ka hesho,

Sidoo kale waxaan cambaaraynaa falkaasi argagaxa leh oo aan ku tilmaami karno mid argagixiso.” Ayuu afhayeenku yidhi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker