Saddexda Xisbi Qaran Ee JSL Oo Musharaxiintooda U Gudbiyay Musharixiintooda

Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADANI ayaa sheegay in ay si rasmi ah komishanka doorashooyinka qaranka ugu wareejiyeen liisaska murashixiinta xisbiyadaas uga sharaxan doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo degaanka.

Af-hayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Buuni iyo xoghayaha guud ee xisbigaas Ibraahin Raabi ayaa sheegay inay komishanka doorashooyinka qaranka ku wareejiyeen dhamaan liiska murashixiinta xisbigaasi u soo sharaxay doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo wakiillada Somaliland.

Geesta kale xog-haye ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax, ayaa isna sheegay in xisbigaas komishanka doorashooyinka qaranku ay si rasmi ah uga gudoomeen liiska murashixiinta xisbigaasi u sharaxay doorashooyinka isku sidkan ee degaanka iyo wakiillada.

Dhankoodana xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa sheegay in ay guddida doorashooyinka ay ku wareejiyeen murashixiinta xisbigaasi ugu talo galay in ay u tartamaan doorashooyinka wakiillada iyo degaanka, iyada oo Ismaaciil Aadan Cismaan oo ka tirsan saraakiisha xisbigaasina uu sheegay in guddida doorashooyinka qaranku ay si rasmi ah uga gudoomeen liisankaas murashixiinta ah.

Maanta ayaa ugu dambaysay muddadii uu sharcigu jidaynayay in xisbiyada qaranku ay komishanka doorashooyinka soo gaadhsiiyaan liiska musharaxiinta uga qayb galaya doorashooyinka ku muddaysan 31 bisha May.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker