Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo xukun ku riday Rag khamri ku sameeyaay Hargeysa

Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex ayaa saaka xukun ku riday 4 -nin oo dhawaan Ciidamada Booliska JSL garahaan Saldhiga Dhexe gacanta kusoo dhigeen , raggan oo ku eedaysanaa inay Khamri ku sameeyaan Magaalada Hargaysa gudaheeda iyo inay Iyagoo gaalo ah labiska islaamka qaateen kuna dawarsanaayeen ayaa dambigaasi lagu helay.

Waxaanay Maxkamadda Gobolku ku xukuntay laba kamida raggaasi 8 sannaddood oo xadhiga iyo 2Milyan oo Shilin S/land , Halka labada kale lagu xukumay 6-Sannadood oo xadhiga iyo 1Milyan oo Shilin S/land.
Dhanka kale xukunkaasi markay dhamaystaan dhammaantood dalka waa laga mastaafurinayaa iyagoo markii hore dalka tahriib kasoo galay. waxaanay kasoo jeedaan dalka Ethiopia.

Taliska Ciidanka Booliska JSL wax uu bulshada ugu baaqayaa inay degdeg ula soo wadagaan dadka noocaasa markay arkaan .

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker