Waa maxay Shuruuda uu Mareykanku Ku Xidhay Milatariga Dalka Suudaan

Ku-xigeenka xoghayaha Mareykanka ee arrimaha Afrika ayaa ugu baaqday militariga Suudaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xukunka ugu wareejiyaan dowlad rayid ah.

Makila James waxay sheegtay in arrinta ku aadan in dalka Suudaan liiska dalalka maalgeliyo argagixisada uu ka saaro Mareykanka ay imaan karto oo kaliya ah waa haddii militariga ay awoodda ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

Makila oo la hadleysay BBC kaddib markii kulan ay la qaadatay madaxa kumeel gaarka ah ee golaha sare ee militariga Suudaan, Janaraal Cabddel Fataax Cabdulraxmaan Burhaan.

Waxay ku tilmaantay taliyeyaasha militariga inay daacad yihiin isla markaasna ay si wanaagsan uga falceliyeen cosdiga shacabka reer Suudaan.

Shalay, Janaraal Burhaan waxaa uu xaqiijiyay in ciidammada aysan awood xadh-dhaaf u adeegsan doonin dibadbaxyaasha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker