Dadka uu Haleelay Xanuunka Ebola ee U dhashay Dalka Jamhuuriyada Dimoqaraadiga Congo oo Tiradoodu Gaadhay 1,000

Tirada dhimashada ee uu sababay cudurrada Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa gaadhay 1,000, sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka.

Cudurka wuxuu ka dilaacay DR Congo bishii August, waana kii labaad ee ugu dhimashada badnaa taariikhda.

Agaasime ku xigeenka hay’adda caafimaadka aduunka Dr Michael Ryan ayaa sheegay in kalsooni darada iyo rabashaduhu ay dhibaato u geysteen,Dedaalada lagu xakameenayo cudurka oo ku sii faafaya barriga dalkaas.

Waxaa la diiwaangeliyay 119 weerar oo lagu qaaday xarumaha caafimaadka iyo howlwadeenadooda ilaa bishii January.

Shaqaalaha caafimaadku waxay haystaan tallaalo fara badan – in ka badan 100,000 oo qof ayaa hore loo siiyey daaweyey.

Balse Rabshadaha joogtada ah ee ka jirta bariga dalka oo ay maleeshiyada joogaan, ayaa sidoo kale uga sii daraya iyadoona aya caqabd ku noqdeen xakameenta Cudurka ayuu yiri Dr Ryan, iyo kalsoonida darrida lagu qabo dhakhaatiirta.

“Waxaan wajaheynaa caqabad weyn oo naga heysta aqbalaada iyo kalsoonida bulshada”DRC waxa kale oo ka dillaacday jadeeco taasi oo dishay in ka badan 1,000 qof, iyadoona laga soo warinayo 50,000 oo kiis.

Shaqaalaha WHO ayaa xaqiijiyay in Jadeecado ay ka jirto 14 ka mid ah 26da gobol ee dalkaasi, miyo iyo magaalo ba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker