Al Shabaab Oo Sheegatay Masuuliyadda Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qarax ka dhacay bar Kontarool oo ku taala Taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa waxaa ku geeriyootay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Meletariga oo lagu magacaabo Faadumo Cali Raage iyo askar la socotay, waxaana dhaawac uu kasoo gaaray xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda Qaraxa ayaa sheegay in ruux Naftii halige ah uu ka dambeeyay qaraxa, kaasi oo kaxeynayay gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Al Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa ay la eegteen saraakiil ciidan iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, xiligaasina waxay joogeen goob lagu baaro gaadiidka doonaya inuu maro wadada hormarta madaxtooyada Soomaaliya.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsada kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiil, xildhibaanno iyo madax katirsan Dowladda oo kusii jeeday dhanka madaxtooyada waxaana jira halaag gaara cadowga”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Al Shabaab.

Dhacdada Xanuunka badan ee laga diiwaan geliyay qaraxii maanta ayaa ahaa in gaariga Cabdi Bille ee ay la socotay Faadumo (Faay Cali) uu ka badbaaday kaliya askariga Kaarka Aqoonsiga u geynayay ciidamada ku sugnaa barta Kontaroolka.

Qaraxa ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir wuxuuna ka dhacay goob ammaankeeda si aad ah loo adkeeyo.

Qaraxa ayaa imaanaya iyadoo ciidamada dowladda saacadihii ugu dambeeyay ay adkeynayeen amaanka waddoyinka magaalada Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker