Labada Qof Ee Ku Guulaystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize Ee Sannadkan

Abaal-marinta  caalamiga ah ee Nabadda ee  (Nobel  Peace Prize),  ayaa  sannadkan la guddoon siiyey Naadiya  Muraad oo u dhalatay dalka Ciraaq iyo Denis Mukwege oo ah dhakhtar reer Congo ah,waxaanay ku mutaysteen siday uga shaqeeyeen xakamaynta  kufsiga xiliyadda dagaalka.

Naadiya  Muraad oo 25 jir ah kana  soo jeeda Qowmiyadda Yasiidiyiinta Ciraaq oo iyada lafteeda ay qafaasheen isla markaana ay kufsadeen kooxda Daacish oo ay ka baxsatay, waxaanay markii dambe isu beddeshay qof si weyn ugu ololeeya joojinta tacadiyada ka dhanka ah qowmiyadeeda. Denis Mukwege oo ah dhakhtar qaabilsan xannuunada haweenka, ayaa daweeyey kumanaan haween ah oo la kufsaday. Labadan qof  ee ku guulaystay abaalmarinta nabadda adduunka ee sannadkan 2018  waxa laga soo dhex xulay 331 urur iyo shakhsiyaad oo u tartamayey abaalmarintan. Guddoomiyaha abaalmarinta nabadda adduunka oo lagu qabtay maanta oo Jimce ah Magaalada Oslo ee waddanka Norway, waxa ka hadlay  Berit Reiss Andersen oo ah Guddoomiyaha Guddidii Nobel Peace Prize, waxaanay si qotodheer uga warrantay kartidii iyo dedaalkii ay labadan guulayste sameeyeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker