Dawladda Mareykanka Oo Baaq U Dirtay Interpol+Muxuu Yahay Baaqaasi.

Xilli lagu wado in maanta ay magaalada Dubai ka dhacdo doorashada guddoonka sare ee Hey’adda Booliska Caalamiga ah ee Interpol, ayay dowladda Mareykanka ku dhawaaqday in ay ayyiday Kim Jong Yang oo u dhashay dalka Kuuriyada Koofureed, kana mid ah musharraxiinta xilka madaxweynaha Interpol.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Talaadadi shalay sheegay in Mareykanka uu ugu baaqayo dhamaan dalalka xubnaha ka ah hey’adda booliska aduunka ee Interpol in ay doortaan hogaamiye hufan oo daacad ah una aqlma hogaaminta hey’adani.

Kim Jong Yang ayaa hadda ah madaxweynaha kumeel gaadhka ah ee Interpol.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Alexander Prokopchuk oo ah ku xigeenka madaxa Interpol isla markaana u dhashay dalka Russia uu ka midyahay musharraxiinta ugu cad cad.

Afar senator oo Mareykan ah ayaa ugu baaqay maamulka Trump in uusan u ogolaan in Prokopchuk uu ku guuleysto xilkani.

Doorashadan ayaa kusoo beegantay xilli dhawaan la waayay madaxi hore ee Interpol Meng Hongwei kaddib marki uu booqay dalka uu kasoo jeedo ee shiinaha bishii September.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker