Xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka oo sheegay saddexda arrimood ee ugu waaweyn ee ay mudnaanta siinayaan
Kaddib markii ay ku guuleysteen doorashooyinkii Kongareeska, xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in saddexda arrimood ee ugu waaweyn ee ay mudnaanta siinayaan ay yihiin soo afjaridda dagaalka Iran, yaraynta culayska ka dhashay kor u kaca qiimaha maciishadda iyo in maamulka Trump lagula xisaabtamo tallaabooyinkiisa.
Hoggaamiyeyaasha Dimuqraadiyiinta ayaa sheegay in Kongareesku aanu mar dambe noqon doonin hay’ad hoos timaadda maamulka Trump.
Dhanka kale, xisbiga Jamhuuriga, oo la kulmay mid ka mid ah guuldarrooyinkiisii doorasho ee ugu waaweynaa, ayaa wajahaya caqabado la xiriira mustaqbalka xisbiga iyo kala fogaanshaha qaar ka mid ah siyaasiyiinta sida dhow ula shaqeeya Trump, oo uu ku jiro Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance.
Natiijooyinka doorashada ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay mustaqbalka dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee MAGA, oo magaciisu ka soo jeedo halkudhiggii ololaha Trump ee ahaa “Make America Great Again” (Maraykanka dib uga dhig dal weyn).




