Israa’iil: Wax lug ah kuma lihin weerarradii Mareykanka ee xalay ka dhacay Iran

Milatariga Israa’iil ayaa Talaadadii sheegay inaysan wax lug ah ku lahayn weerarradii la sheegay in Mareykanku habeen hore ka fuliyay jasiirad ku taalla Iran.

Warkan ayaa imanaya xilli ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu dhawaan ku hanjabay in dalkiisu dib u bilaabi karo dagaalka uu kula jiro Tehran.

Afhayeen u hadlay milatariga Israa’iil ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay, isaga oo ka jawaabaya su’aal la weydiiyay, in Israa’iil aysan ka qayb qaadan weerarradii Mareykanka uu habeenkii Isniinta ka fuliyay jasiiradda Qeshm ee Iran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker