Goobihii ugu horreeyay ee codbixinta doorashooyinka xilliga dhexe ee Mareykanka oo furmay

Maanta waxaa Mareykanka ka dhacaya doorashooyinka xilliga dhexe ee Aqalka Kongareeska, iyadoo malaayiin Mareykan ah ay codkooda dhiibanayaan si ay u go’aamiyaan cidda maamuli doonta Kongareeska labada sano ee ugu dambeeya muddada madaxweyne Donald Trump.

Maxaa doorashadan lagu dooranayaa?

  • Dhammaan 435-ka kursi ee Aqalka Wakiillada.
  • 35 ka mid ah 100-ka kursi ee Aqalka Senate-ka.
  • Sidoo kale, xilal heer gobol ah, oo ay ku jiraan guddoomiyeyaasha gobollada.

Xisbiga Jamhuuriga ee Madaxweyne Trump ayaa hadda gacanta ku haya labada aqal ee Kongareeska. Dimuqraadiyiinta ayaa rajaynaya inay helaan kuraas ku filan oo ay aqlabiyad kaga sameystaan labada aqal.

Haddii Dimuqraadiyiintu ay la wareegaan maamulka Kongareeska, waxay awood dheeraad ah u yeelan doonaan inay hor istaagaan qorshayaasha Trump, sidoo kalena ay baaritaanno ku sameeyaan madaxweynaha iyo xubnaha maamulkiisa.

Sida uu sharaxay weriyaha BBC-da Anthony Zurcher, tallaabooyinkaas waxaa xitaa ka mid noqon kara isku day xilka looga qaadayo Trump.

Goobihii ugu horreeyay ee codbixinta ayaa laga furay gobolka Vermont, saacadda 05:00 subaxnimo ee waqtiga bariga Mareykanka.

Natiijooyinka doorashada ayaa la filayaa inay soo baxaan fiidnimada maanta iyo inta lagu jiro habeenka, iyadoo weriyeyaasha BBC-du ay ku sugan yihiin gobollo kala duwan si ay u soo gudbiyaan wararkii ugu dambeeyay iyo falanqaynta doorashada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker