Booliska Somaliland oo sheegay in sannadkan la diiwaangeliyey 82 dil iyo 254 kiis oo kufsi ah
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in sannadkan guud ahaan Somaliland laga diiwaangeliyey 82 kiis oo dil ah, kuwaas oo 78 ka mid ah dadka looga shakisan yahay inay geysteen ay ciidamadu gacanta ku dhigeen, halka afar qof oo kale ay weli baxsad ku yihiin.
Sida lagu sheegay xogta uu Boolisku soo bandhigay, waxa sidoo kale sannadkan la diiwaangeliyey 254 kiis oo kufsi ah, kuwaas oo ka mid ah dambiyada ay ciidamadu la tacaaleen oo baadhista lagu sameeyay.
Boolisku waxa kale oo uu sheegay in sannadkan la diiwaangeliyey 23 carruur ah oo la tuuray, inkasta oo aanay wali nasoo gaadhin faahfaahin goobaha ay dhacdooyinkani ka dhaceen iyo xaaladda carruurtaas.
Marka la eego kiisaska dilalka, xogta Booliska ayaa muujinaysa in 78 qof oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen dilalka la sheegay la qabtay, halka baadi-goobka afarta qof ee kale uu socdo.
Tirakoobkan ayaa ka kooban saddex qaybood oo dambiyo iyo dhacdooyin amni oo kala duwan, kuwaas oo kala ah dilalka, kufsiga iyo carruurta la tuuray, oo ahayd intii ugu muhiimsanayd warbixinta booliiska.
Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda manaan helin faahfaahin ku saabsan gobollada ay kiisaskani ka dhaceen, tirada dadka loo qabtay kiisaska kufsiga iyo natiijooyinka baadhitaannada la xidhiidha dhacdooyinkaas.




