Hoggaamiyaha xisbiga Yeshar ee Israa’iil,oo shuruud ku xidhay cid kasta oo isbahaysi la galaysa

Hoggaamiyaha xisbiga Yeshar, Gadi Eisenkot, uu dadaal ugu jiro ballaarinta xulafada uu la yeelan karo xisbiyada kale, halka ra’iisul wasaaraha xilka ka sii degaya, Benjamin Netanyahu, uu isku dayayo inuu mideysnaanta garabkiisa siyaasadeed ilaaliyo.

Eisenkot, oo 66 jir ah, ayaa afar shuruudood u dejiyay xisbiyada uu doonayo inay ka mid noqdaan dowladda cusub. Shuruudahaas waxaa ka mid ah:

1. In Israa’iil loo aqoonsado dowlad Yuhuud ah, dimuqraadi ah oo xorriyadda ku dhisan, isla markaana ku salaysan sinnaanta muwaadiniinta.

2. In la dhowro mabaadi’da ku xusan Baaqa Madaxbannaanida Israa’iil.

3. In dhammaan muwaadiniinta lagu waajibiyo adeeg ciidan, adeeg qaran ama mid rayid ah.

4. In Xamaas loo aqoonsado urur argagixiso, lana ballanqaado in la burburiyo awooddeeda milatari iyo tan maamul ee Marinka Gaza.

Eisenkot ayaa sheegay in xildhibaan kasta oo aqbala mabaadi’daas uu la shaqayn karo dowladda cusub. Si kastaba ha ahaatee, si cad ugama uusan reebin xisbiyada Yuhuudda aadka ugu adag dhinaca diinta ama xisbiyada Carabta.

Waxa uu sidoo kale ku baaqay in laga faa’iidaysto waxa uu ku tilmaamay aqlabiyadda baarlamaanka, si loo dhiso guddi rasmi ah oo baaritaan ku sameeya dhacdooyinkii 7-dii Oktoobar 2023.

Intaa waxaa dheer, waxa uu doonayaa in la meel mariyo sharciyo la xiriira waajibinta adeegga milatari, isla markaana xilka laga beddelo guddoomiyaha hadda ee baarlamaanka Israa’iil, Amir Ohana.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker