Iiraan oo hanjabaad hor leh jeedisay xilli Trump rajo muujiyey
Afhayeenka ciidamada milatariga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Mohammad Akraminia, ayaa sheegay in haddii dagaal cusub uu qarxo, โaagga uu dagaalku ka dhacayo uusan ku koobnaan doonin gobolka Galbeedka Aasiyaโ.
Waxa uu intaas ku daray in โxarumaha, qalabka, ciidamada iyo danaha Mareykanka, meel kasta oo ay gaari karaan, ay noqon karaan bartilmaameedyoโ.
Isagoo ka hadlayay xoojinta diyaargarowga howlgallada milatari iyo cusboonaysiinta liiska bartilmaameedyada, Akraminia ayaa sheegay in dagaal cusub oo dhici kara uu noqon karo mid โaad uga dheerโ kii hore.
Afhayeenka ciidamada ayaa sidoo kale yiri: โHannaanka lagu beddelayo istaraatiijiyadda difaaca ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, laguna qaadayo mid weerar ku dhisan, wuxuu billowday waqti hore, wuxuuna si dhab ah u muujiyay intii uu socday dagaalkii ugu dambeeyay.โ
Bogga rasmiga ah ee Mojtaba Khamenei ayaa shalay sheegay in kulan uu la yeeshay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida ee Iran uu ku amray inay si โdegdeg ah oo aan xuduud juqraafiyeed ku xirnaynโ uga jawaabaan khatar kasta oo cadowgu keeno.
Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sidoo kale laga soo xigtay inuu sheegay in haddii Iran lagu qaado weerar cusub oo milatari ama mid โargagixisoโ, ay iyadu go’aamin doonto waqtiga iyo shuruudaha lagu soo afjarayo colaadda.




