Putin oo soo saaray digniin adag kana digay dagaal
Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in Moscow ay taageersan tahay tallaabo kasta oo lagu soo celinayo xiriirka dalalka Yurub, balse haddii uu dagaal dhexmaro Ruushka iyo Yurub aanay jiri doonin cid guulaysata.
Putin oo suxufiyiinta la hadlay, kaddib markii uu martigeliyay shir madaxeed ay ka qayb galeen hoggaamiyeyaal Afrikaan ah, ayaa sheegay in Ruushku diyaar u yahay dagaal suurtagal ah oo uu la galo Yurub, balse aanu doonayn in iska horimaadkaasi dhaco.
“Waxaan taageersan nahay tallaabo kasta oo lagu soo celinayo xiriir buuxa oo macno leh oo aan la yeelanno dalalka Yurub,” ayuu yiri.
Putin ayaa intaas ku daray: “Waan diyaar sanahay, balse ma doonayno dagaal aan la galno Yurub. Haddii cid doonayso dagaal, waa inay isu diyaarisaa. Hase yeeshee, ilaa hadda ma aysan gaarin hadafkoodii ahaa inay Ruushka kaga adkaadaan dhinaca istaraatiijiyadda. Haddii xaaladdu meel fog gaarto, cid guulaysan doonta ma jiri doonto, waana inaan arrintaas la illoobin.”
Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale ka hadlay wada-hadallo dhanka taleefanka ah oo toddobaadkan uu la yeeshay Madaxweynaha Finland, Alexander Stubb, iyo Ra’iisul Wasaaraha Norway, Jonas Gahr Støre.
Waxa uu sheegay in labada hoggaamiye ay qaateen go’aan sax ah markii ay xiriir la sameeyeen Moscow, inkasta oo ay dhaleeceyn kala kulmeen qaar ka mid ah dalalka Yurub.
Putin ayaa intaas ku daray in Ruushku aanu doonayn wax caqabad ah oo ku yimaadda isu-socodka maraakiibta ee Badda Baltic-ga.




