Masar oo walaac ka muujisay in waji cusub uu yeesho dagaalka Iran iyo Maraykanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Ati, ayaa Sabtidii muujiyay walaac ku aaddan iska horimaadka u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka.

Wuxuu sheegay inuu “aad uga walaacsan yahay” in mowjad cusub oo sii xumaynaysa dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ay noqon karto mid aad uga sii ba’an, isla markaana yeelan karta cawaaqib xumo weyn.

Hadalkan ayuu ka jeediyay shir madaxeedka amniga ee “Wadahadalka Manama” oo ka dhacaya dalka Baxreyn.

Sidoo kale, Mohammad Akraminia oo ah afhayeenka ciidamada Iiraan ayaa ka hadlay suurtagalnimada in Mareykanku uu mar kale weerar ku qaado Iiraan, wuxuuna yiri: “Haddii weerarkani dhaco, juqraafiyadda dagaalku way ballaaran doontaa.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker