Maraykanka oo oggolaaday qorshe ay muddo sugayeen dal ay saaxiib yihiin
Maraykanka ayaa oggolaaday in Ukraine laga iibiyo 500 oo gantaal oo ah nooca Patriot, kuwaas oo si weyn loogu baahan yahay difaaca dalkaas, xilli ay sii kordhayaan weerarrada cirka ee Ruushka.
Hase yeeshee, Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa ka digay in ay qaadan karto “dhowr sano” ka hor inta aan gantaalladaasi la soo gaarsiin dalkiisa.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in gantaalladan casriga ah ee difaaca cirka, nooca PAC-3, ay ku kacayaan 2.1 bilyan oo doollar, isla markaana kharashkooda ay si buuxda u bixin doonaan xulafada Ukraine ee Yurub iyo Canada.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka maalintii Jimcaha ayaa lagu sheegay in “iibkan la soo jeediyay uu taageeri doono siyaasadda arrimaha dibadda iyo ujeeddooyinka amniga qaranka ee Maraykanka, isaga oo kor u qaadaya amniga dal ay saaxiib yihiin, kaas oo door muhiim ah ka qaata xasilloonida siyaasadeed iyo dhaqaale ee Yurub.”
Habeenkii Jimcaha, Zelensky ayaa mar kale ku celiyay baaqiisa ahaa in Maraykanku uu dedejiyo keenista gantaallada Patriot, kuwaas oo ah hubka keliya ee si wax ku ool ah u soo ridi kara gantaallada riddada dheer ee Ruushka ee waxyeellada ba’an geysta.
Tallaabadan ugu dambeysay ayaa timid kaddib markii uu muran dhexmaray Zelensky iyo Donald Trump horaantii bishan, xilli Maraykanku uu fududeeyay cunaqabateyntii saarneyd Ruushka, taas oo qayb ka ahayd heshiis lagu xaqiijinayay in Maraykanku helo shidaalka naaftada ee Ruushka.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in la joogo waqtigii Ukraine ay yeelan lahayd hoggaamiye cusub, si heshiis loo gaaro oo lagu soo afjaro dagaalka kala dhexeeya Ruushka.
Moscow ayaa duullaan ballaaran ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022, kaddib markii ay hore ula wareegtay gobolka Crimea iyo qaybo ka mid ah gobolka Donbas ee bariga Ukraine.
Xiisadda ayaa yara degtay kaddib markii Zelensky uu 20-kii Oktoobar wada-hadallo magaalada Oslo kula yeeshay ergayada Maraykanka.




