Xatooyada lacagaha kirbto ayaa il dhaqaale oo weyn u ah dowladda Kuuriyada Waqooyi

Shaqsiyaad dhowr ah oo si hoose ula socda lacagaha digitalka iyo falanqeeyayaal ayaa farta ku fiqaya kooxo xiriir la leh Pyongyang , kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen weerarka wax lagu jabsaday.

Waxaa xusid mudan in dambiyada internetka ee ay taageerto dowladda Kuuriyada Waqooyi ay sannadihii u dambeeyay si weyn diiradda u saarayeen xatooyo aad u weyn oo lagu sameeyo lacagaha Kiribto.

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa marar badan lagu eedeeyay in lacagaha kiribto ee la xaday u isticmaasho sidii ay ugu noqon laheyd il dhaqaale oo ay ku maalgeliso barnaamijyadeeda hubka.

Sannadkii 2025-kii, waxaa la rumaysan yahay in jabsadayaasha internetka ee Kuuriyada Waqooyi ay xadeen ugu yaraan 2.02 bilyan oo dollar oo lacagaha kiribto ah, sida ay sheegeen khubaradu. Xatooyada lacagaha kiribto waxay u badan tahay in ay ka mid tahay ilaha ugu weyn ee dhaqaale ee ay dowladdu daqli ka hesho.

Sidaas darteed, haddii khasaaraha la xaqiijiyo, tani waxay noqon doontaa dhacdo aan hore loo arag marka la eego baaxadda weyn ee xatooyada la diiwaangeliyey.

Dhacdadan ayaa sidoo kale cadaadis dheeraad ah saari doonta shirkadaha iyo guud ahaan kuwa ka shaqeeya kiribto, si ay u xoojiyaan difaacooda amni, ugana hortagaan weerarrada laga soo qaado internetka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker