Suuqa lacagaha digitalka ayaa qarka u saaran in la jabsado
Shirkadda lacagaha dijitaalka ee lagu magacaabo Binance ayaa sheegtay in $6.3 bilyan oo doolar ay saameysay waxa noqon kara jabsigii ugu weynaa taariikhda ee soo mara shirkadan weyn.
Binance waxay sheegtay in kala bar hantidaas la joojiyay balse in badan waxay ku jirtaa gacmaha kuwa internetka wax ka jabsada, waxayna intaas ku dartay in dhammaan wixii khasaaaha “la xalin doono”.
Sida ay Binance sheegtay, baaritaanno hore ayaa muujinaya in Labtop uu injineer lahaa laga soo weeraray sidaasina ay kuwa wax jabsada ula baxeen hanti aan loo fasaxin.
Binance si toos ah ugama jawaabin su’aalaha BBC ee ku saabsan xiriirka suurtagalka ah ee dhacdadan la leedahay Kuuriyada Waqooyi, laakiin waxay sheegeen, “Waxaan si dhow ula shaqeyneynaa ciidamada ammaanka si loo xaqiijiyo in la aqoonsado dambiilayaashan oo aan horkeenno caddaaladda.”
Ilaa iyo hadda qiimaha kiribto hoos uma dhicin maadama hanti badan la xayiray sidoo kalena ay socdaan baaritaano.
Shirkadaha kale ee lacagta digitalka ayaa xayiraado sameyay si loo yareeyo khatarta haddii ay tahay jabsi ballaaran.
Binance waxay sheegtay in ay qaadan karto ilaa 45 saacadood ka hor inta aysan qaadin xayiraadda wax walba saaran.
Laba bilood ka hor, koox ka kooban 100 shirkadood oo tiknoolajiyadeed ayaa saxiixay warqad furan oo dunida uga digaysa in ay isu diyaariso xilli cusub oo ku saabsan difaaca dhanka internetka.




