Reuters: Booqashada maanta ay dhexdhexaadiyeyaasha Qatar ku tagayaan Tehran
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay mas’uul sheegaya in dhexdhexaadiyeyaasha Qatar ay Jimcaha mar kale u safri doonaan magaalada Tehran, si ay qayb uga noqdaan dadaallada lagu doonayo in heshiis laga dhex gaaro Mareykanka iyo Iran.
Mas’uulka oo xog-ogaal u ah wadaxaajoodyada ayaa Reuters u sheegay in wadahadallada uu isku dubbaridayo Mareykanka.
Wuxuu sheegay in wafdi ka socda Qatar uu booqashadii uu Axaddii, 25-kii October, ku tagay Tehran u gudbiyay Iran qabyo-qoraal qorshe nabadeed.
Hase yeeshee, mas’uul sare oo Iiraani ah ayaa soo jeedintaas ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, isagoo sheegay in Tehran ay ku adkeysan doonto mowqifkeeda ku aaddan barnaamijkeeda nukliyeerka.
Washington ayaa dooneysa in arrimaha nukliyeerka lagu daro ajandaha wadaxaajoodyada laga bilaabo bilowgooda.
Dhanka kale, Tehran waxay ku adkeysanaysaa in marka hore Mareykanku uu joojiyo go’doominta dekedaha Iran, isla markaana uu qaado cunaqabateynta saaran dhoofinta shidaalka dalkaas.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa Arbacadii sheegay in Tehran ay xiriir dhow la leedahay dhexdhexaadiyeyaasha, si loo raadiyo qaab lagu dhaqan gelin karo qorshaha toddobada maalmood ah ee ay Iran soo jeedisay, kaas oo lagu soo afjarayo dagaalka.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shalay ka jawaabay warar ay warbaahinta Mareykanku ka qortay wada-hadallo dhexmaray madaxweyne ku-xigeenkiisa JD Vance iyo Iran. Wuxuu sheegay in wada-hadalladaasi ay ku saabsanaayeen sidii loo gaarsiin lahaa Iran qalab caafimaad.
Hase yeeshee, warbaahinta Mareykanka ayaa xiriirisay wada-hadalladaas dadaallada dib loogu bilaabayo wadahadallada nabadda.




