Kuwa internetka jabsada ayaa lacagaha ay xadaan kun jeer sii kala dira

Welwelka ugu weyn ee ay hadda qabaan dadka isticmaala shirkadda Binance iyo guud ahaan shirkadaha kale ee lacagaha kiribto ayaa ah in Binance ay dhab ahaantii awood u yeelan doonto iyo in kale in ay bixiso lacagta badan ee la xaday.

Xatooyadan ayaa degdeg u dhacday balse dadaallada lagu soo ceshanayo lacagaha la xaday waxay socon karaan muddo aad u dheer.

Joe Hancock, oo ah madaxa khatarta amniga internetka iyo baaritaannada adag ee shirkadda qareennada ee Mishcon de Reya, ayaa sheegay in habka lacagaha laysu dabamariyo uu muddo qaato”.

Khabiir ku takhasusay amniga internetka ayaa sheegay in Binance ay durba ku guulaysatay in ay joojiso ku dhowaad kala bar lacagtii la xaday si aan mar kale loo wareejin. Hase yeeshee, wuxuu sheegay in ay adag tahay in lacag kale la helo.

Shirkadda ayaa hore u sheegtay in ay ku guulaysatay in ay xannibto hanti qiimaheedu gaarayo ku dhowaad 3 bilyan oo dollar.

Jake Moore, oo ah la-taliyaha guud ee amniga internetka ee shirkadda ESET, ayaa BBC-da u sheegay in kooxaha internedka jabsada ay isku dayi doonaan in ay abuuraan marin-habaabin, isla markaana lacagihii ay xadeen ugu beddelaan noocyo kale oo lacagaha kiribto, iyagoo adeegsanaya hab loo yaqaan “Washing” (dhaqidda lacagaha).

Khabiirka wuxuu kaloo sheegay in tuugada ay lacagta kumanyaal jeer kala wareejin doonaan iyagoo adeegsanaya farsamooyin kala duwan, si ay u qariyaan halka lacagtu ka timid, una adkeeyaan ama uga dhigaan wax aan suurtagal ahayn in la raadraaco.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker