Taariikhda Maqaaxidii Ay Ka Wada Shaahi Jireen SNM & Faqashtii Siyaad Barre
Dhulka Soomaalida, gaar ahaan Somaliland waxa jira deegaano caan-baxay xilliyo kala duwan, sida xilliyada Colaadaha ama Abaaruhu dhacaan, waxayna deegaannadaa magacoodu uu si fudud ugu fidaa bulshada dhexdooda, laakiin sida dadka badankiisu u wada mzqlay magacyada faafay uma oga taariilkhda ku lamaan, halka qaarkoodna aanay cag dhigin halka ay Magaceeda maqleen.
Sidaas waxa ka dhigan deegaanka “Maqaaxida Inanta” oo dhanka galbeed kaga beegan Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
“Maqaaxida Inantu” hadda waa deegaan Magaaloobay, laakiin 1982-kii waxay ahayd Maqaaxi kooban oo ay aasaastay gabadh, si ay camal ama shaqo-abuur ugu noqoto, hase-yeeshee muddo dheer ka dib deegaanka ay ku taallo waxay noqotay Magaalo la deggan yahay.
Barnaamijka MARKHAATIGA NOOL ee ka baxa Maal Tv, waxa marti ku ah Hooyo Shukri Xamse Jaamac oo ah haweenayda aasaastay Meheraddii ku caan-baxday “Maqaaxida inanta”.
Shukri, waxay ka warramaysaa Taariilkhda Maqaaxida, xaaladihii kala duwanaa ee ku soo maray xilliyadii jabhaddii SNM la dagaalamaysay Ciidamada Faqashta ee dawladdii Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre.
Waraysigan oo xambaarsan Xiiso Taariikheed, waxaad ka daawan kartaa lingaxa Hoose




