Itoobiya oo ku baaqday in dibulumaasiyad lagu xaliyo khilaafka wabiga Niilka, Masar oo ku hanjabtay in amniga biyuhu yahay “khad cas”
Itoobiya ayaa ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga gobolka iyo diblomaasiyadda ku saabsan isticmaalka biyaha webiyada ay dalalku wadaagaan, halka Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi, uu ku celiyey in dalkiisu aanu aqbali doonin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa amniga biyihiisa.
Sida ay baahisay warbaahinta Addis Standard, hadalladan ayaa imanaya xilli ay labada dal ay ku dhex jiraan khilaafka ku saabsan maaraynta iyo isticmaalka biyaha webiga Niilka, oo ay ku tiirsan yihiin malaayiin qof oo ku nool dalalka gobolka.
Baaqa Itoobiya ayaa soo baxay 26-kii Oktoobar, xilli uu furmay shirwaynaha toddobaadka saddexaad ee biyaha iyo tamarta dalkaas. Itoobiya ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay in dalalka gobolka ay iska kaashadaan maaraynta khayraadka biyaha, si loo xoojiyo horumarka iyo xasilloonida gobolka.
Dhanka kale, Madaxweyne Al-Siisi ayaa hadal ka jeediyey shirka toddobaadka sagaalaad ee biyaha Qaahira, kaas oo qabsoomay 25-kii Oktoobar. Waxa uu sheegay in Masar aanay aqbali doonin tallaabooyin hal dhinac ah oo wax u dhimaya amniga biyaha dalkaas, isaga oo arrinta ku tilmaamay “khad cas”.
Khilaafka labada dal ayaa si gaar ah ugu qotoma Biyo-xidheenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya (GERD), oo ay Itoobiya ka hirgelisay webiga Niilka Buluugga ah. Itoobiya ayaa mashruuca u aragta mid muhiim u ah koronto-soo-saarka iyo horumarinta dhaqaalaha, halka Masar ay ka walaacsan tahay saamaynta uu ku yeelan karo biyaha dalkeedu ku tiirsan tahay.
Masar ayaa muddo dheer ku baaqaysay in laga gaadho heshiis lagu maamulo buuxinta iyo hawlgalinta biyo-xidheenka, kaas oo dammaanad qaadaya ilaalinta saamigeeda biyaha. Itoobiya, dhankeeda, waxay sheegtay in ay xaq u leedahay inay ka faa’iidaysato khayraadkeeda dabiiciga ah, iyada oo ku baaqaysa iskaashi ku dhisan danaha dalalka gobolka.
Inkasta oo labada dhinac ay muujiyeen muhiimadda wada-hadalka iyo iskaashiga, haddana khilaafka ku saabsan maaraynta biyaha Niilka ayaa weli taagan, kaasi oo saamayn ku yeeshay xidhiidhka Itoobiya, Masar iyo Suudaan, oo dhammaantood dano muhiim ah ka leh webiga.




