Iiraan, Sacuudi Carabiya, Baakistaan iyo Turkiga oo heshiis gaadhay
Iiraan, Sacuudi Carabiya, Baakistaan iyo Turkiga ayaa ku heshiiyay inay sii wadaan wadahadallada ku saabsan xoojinta iskaashiga la xiriira nabadda iyo amniga gobolka, ka dib kulan ay magaalada Tehran ku yeesheen saraakiil sarsare oo ka tirsan dhinacyada milatariga iyo amniga, xilli laga cabsi qabo in dagaal cusubi uu ka qarxo gobolka.
Telefishanka dowladda Iiraan ayaa sheegay in ka qaybgalayaashu ay isku raaceen in la sii wado wadahadallada, halka xoghayaha Golaha Amniga Qaranka ee ugu sarreeya Iiraan, Mohsen Rezaei, uu xaqiijiyay in wadahadalladu ay wax ka qabteen amniga gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in dalalkoodu ay qaadaan mas’uuliyadda ku aaddan sidii loo gaari lahaa iyada oo aanay jiri faragelin shisheeye.
Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Difaaca Sacuudiga Amiir Khaalid bin Salmaan, Taliyaha Ciidanka Pakistan Aasim Muniir, iyo Madaxa Sirdoonka Turkiga Ibraahim Kalin; waana booqashadii ugu horreysay ee wadajir ah oo ay mas’uuliyiin ka socda saddexdaas dal ku tagaan Tehran, tan iyo markii ay bishii Agoosto ee la soo dhaafay sameysteen isbahaysi dhanka difaaca ah.
Wadahadallo u dhexeeya dhinacyada Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Makka – kuwaas oo kala ah Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Baakistaan – iyo mas’uuliyiin sare oo Iiraaniyiin ah ayaa Isniintii ka billowday caasimadda Iiraan ee Tehraan, sida ay sheegeen warbaahinta rasmiga ah.




