Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay miisaaniyadda 2027-ka oo dhan $1.25 bilyan

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2027-ka, taas oo dhan 1.259 bilyan oo doollar, iyadoo kulanka sidoo kale looga hadlay xaaladda amniga dalka iyo hawlgallada ciidamada qalabka sida.

Kulanka gaarka ah ee golaha wasiirrada oo maanta ka dhacay Muqdisho waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, oo ah ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha.

Miisaaniyadda la ansixiyay ayaa gaareysa $1,259,238,253, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka Xukuumadda. Hase yeeshee, faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaybaha loo qoondeeyay miisaaniyadda laguma sheegin warbixinta la soo saaray.

Dhanka amniga, golaha wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha, taas oo soo bandhigtay guulaha ay ciidamada qalabka sida ka gaareen hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo howlgallada weli socda ee ka socda deegaannada ay kooxdu ka hawlgasho.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu magacaabay Shukri Xasan Cusmaan agaasimaha Hay’adda Liiltirka iyo Hawlgabka Shaqaalaha Rayidka ah, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Ugu dambayn, golaha wasiirrada ayaa soo dhoweeyay soo afjaridda shaqadii Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyagoo bogaadiyay doorkii uu xafiisku ku lahaa dalka muddadii kala-guurka iyo dib-u-soo-kabashada qaranka, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka dowladda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker