Somaliland oo diidday tigidhada lagu bixiyo nidaamka BSP ee Soomaaliya, xilli Muqdisho dib u hawlgelisay adeegga
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland ayaa Axadda maanta soo saartay amar dhigaya inaan madaarrada caalamiga ah ee Hargeysa iyo Berbera laga aqbali doonin tigidhada diyaaradaha ee lagu bixiyo nidaamka Billing and Settlement Plan (BSP) ee Soomaaliya. Amarkan ayaa lagu sheegay inuu khuseeyo tigidhada cusub iyo kuwii hore loo bixiyey, oo ay ku jiraan tigidhada safarka soo-noqoshada ah.
Qoraalka wasaaradda oo tirsigiisu yahay MCA&AD/OM/D/02/2026 ayaa dhigaya in tigidhada looga dhoofayo Somaliland lagu iibiyo kanaallada ay oggolaatay wasaaraddu, sida mareegaha rasmiga ah ee shirkadaha diyaaradaha, xafiisyadooda iibka iyo wakaaladaha socdaalka ee ruqsadda ka haysta Somaliland. Wasaaraddu waxay sheegtay in shirkadaha diyaaradaha lagu wargelin doono wakaaladaha aan buuxin shuruudaha ruqsadaynta, kuwaas oo loo qabtay 31-ka Oktoobar inay saxaan xaaladdooda.
Bayaanka ayaa sidoo kale dhigaya in laga bilaabo 1-da Nofeembar 2026, shirkadaha diyaaradaha ay heshiisyada iibinta iyo qaybinta tigidhada la sii wadan karaan oo keliya wakaaladaha buuxiya shuruudaha ruqsadaynta iyo oggolaanshaha Somaliland. Wasaaraddu waxay shirkadaha ku amartay inay dib u eegaan nidaamyadooda iibinta, boosaska hore loo sii qabsaday iyo heshiisyada qaybinta, isla markaana ay rakaabka ku wargeliyaan shuruudaha cusub.
BSP waa nidaam caalami ah oo uu maamulo Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA), kaas oo fududeeya iibinta tigidhada diyaaradaha iyo xisaabinta lacagaha u dhexeeya shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha socdaalka. Nidaamku wuxuu isku xidhaa xogta iibka iyo lacag-bixinta, isaga oo fududeeya in wakaaladaha socdaalku tigidhada ku iibiyaan hab mideysan oo ay shirkadaha diyaaradaha kula xisaabtamaan.
Dowlada Soomaaliya ayaa dib u hawlgelinta nidaamka BSP u aragta tallaabo lagu horumarinayo adeegyada duulista rayidka, lagu fududaynayo xidhiidhka shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha socdaalka, isla markaana kor loogu qaadayo hufnaanta xisaab-celinta tigidhada. Hase yeeshee, taasi oo Somaliland kasoo horjeedo madaama oo ay isku aragto in ay ka madaxbannaantahay Soomaaliya.
Go’aanka Somaliland wuxuu saamayn ku yeelan karaa wakaaladaha socdaalka ee adeegsada BSP-ga Soomaaliya, shirkadaha diyaaradaha ee heshiisyada la leh iyo rakaabka haysta tigidhada lagu bixiyey nidaamkaas. Waxa suurtagal ah in rakaabka qaarkood u baahdaan inay xaqiijiyaan xaaladda tigidhadooda iyo shuruudaha safarka ka hor inta aanay madaarrada iman.
Arrintani waxay muujinaysaa kala duwanaanshaha ka jira maamulka iyo nidaaminta adeegyada duulista hawada ee Somaliland iyo Soomaaliya. Inkasta oo BSP yahay nidaam caalami ah oo IATA maamusho, Somaliland waxay ku adkaysanaysaa in tigidhada laga dhoofayo madaarradeeda lagu bixiyo kanaallo waafaqsan shuruudaheeda. Saamaynta dhabta ah ee amarka ayaa ku xidhnaan doonta sida ay uga falceliyaan IATA, shirkadaha diyaaradaha iyo wakaaladaha socdaalka ee ay khusayso.




