Qaraxyo laga maqlay magaalada Riyaad xilli uu dib u furmayo garoonka diyaaradaha ee Boqor Khaalid

Qaraxyo ayaa laga maqlay caasimadda Sacuudiga iyadoo mas’uuliyiinta Sacuudiga ay ku dhawaaqeen go’aankooda ah inay dib u bilaabaan duulimaadyadii garoonka diyaaradaha ee King Khalid ee Riyaad.

Lama caddeyn in qaraxyadu ay la xiriireen gantaalo hawada lagu qabtay ama kuwo ku dul dhacay magaalada.

Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa sheegay inay qabteen 10 gantaal oo lagu riday Riyaad iyo meelo kale.

Garoonka diyaaradaha ee King Khalid ayaa xirnaa muddo laba toddobaad ah sababo la xiriira weerarrada ay geysanayaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen.

Xuutiyiinta ayaa ka digay in garoonka diyaaradaha uu weli yahay “bartilmaameed militari” oo “aan ammaan ahayn.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker