Halkee marayaan howlgallada lagu baadi-goobayo dadka ku hoos jira dhismaha ku dumay Islii
Waxaa weli socda howlgallada samatabixinta iyo baadi-goobka ah ee lagu doonayo in lagu helo dad weli loo malaynayo inay ku hoos jiraan dhismihii ku dumay wadada sagaalaad ee xaafada Islii ee magaalada Nairobi.
Axmed Qadar Maxamed Dabar, oo ah xildhibaanka golaha deegaanka Ismaamulka Nairobi ku matela waqooyiga xaafada Islii ayaa BBC-da u sheegay in howlgallada baadi-goobku si wanaagsan u socdaan.
Tan iyo markii dhismuhu dumay maalintii jimcihii, waxaa samatabixiyaashu ku guuleysteen inay qaybta hoose ee dhismaha ka soo badbaadiyeen laba qof oo nool kuwaas oo lagu sheegay haweenay iyo nin.
Labada qof ee la soo badbaadiyey ayaa loo qaaday isbitaal halkaas oo lagu daryeelayo xaaladooda caafimaad sida masuulliyiintu sheegeen.




